Mareykanka oo $55 bilyan siinaya Afrika

Washington (Raxanreeb) — Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan illaa 55 bilyan oo dollar ay ugu yabooheyso Qaaradda Afrika saddexda sano ee soo socoto, taas oo uu Mareykanku sheegay inuu ku xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika.

Lacagta Mareykanka uu ku dhawaaqay ayaa kusoo beegantay, xilli uu maanta furmayo shirweynaha u dhaxeeya Afrika iyo Mareykanka, kaas oo ka qabsoomaya Washington.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya illaa 50 wafdi oo ka kala socday illaa 49 waddan oo Afrikaan ah iyo Midowga Afrika, waxaana sidoo kale ku jira madaxdaas madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaana kala duwan heerka metelaadda dalalka ka qaybgalaya.

Sidoo kale waxaa inta uu socdo shirkan intiisa badan diiradda lagu saarayaa dib u eegista xiriirka Afrika iyo Mareykanka, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Waxaa sidoo kale shirka lagu soo qaadi doonaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta iyo isbaddelka cimillada.

Dhinaca kale Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa shgaaciyay liiska waddamada aan lagu casuumin shirkan, kuwaas oo gaaraya illaa shan dal oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midowga Afrika uu hakiyay xubinnimadii dalalkan, kaddib markii sifo aan sharci ahayn loo baddelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay.

Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan caalamka ayaa iskaashiga ballaaran la leh Qaaradda Afrika, isaga oo ka fuliyo howlo kala duwan iyo howlgallo millatari intaba.

Iskaashigan cusub ayaa kusoo aaday xilli Mareykanu uu waayay iskaashiga waddamo badan oo Carab ah, kuwaas oo la saftay Ruushka xilli haatan uu dagaal ka socdo Ukraine.

Dowladda Mareykanka ayaa wacad ku martay inay sameyneyso waddamo cusub oo Afrikaan ah ayadoo sheegtay isbaheysi cusub iyo Iskaashi caalami ah ayna dhisi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.