Marooko ma waxay haysataa sababo badan oo ay ku dhiirran karto?

Marooko ma waxay haysataa sababo badan oo ay ku dhiirran karto?

Doha (Raxanreeb) — Marooko waa dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah iyo weliba Carab ah oo inta badan dadkiisa ay Muslimiin yihiin ee soo gaara nus dhammaadka Koobka Adduunka.

Walow qaar kamid ah ciyaartoyda xulka Marooko ay leeyihiin khibrad badan oo ay ku jiraan ciyaartoy magac leh, sida weeraryahanka kooxda Chelsea Hakim Ziyech iyo daafaca kooxda Paris St-Germain ee Achraf Hakimi, haddana xulkan lagu naanayso the Atlas Lions ayaa ka dheereeyay heerkii laga filayay inay gaaraan.

Waxay kaalinta koobaad kaga soo baxeen koox ay ku jireen Croatia iyo Belgium, kahor inta aanay wareegga 16-ka kooxood ku soo garaacin Spain iyo Burtaqiiska oo rubac dhammaadka ay ku soo reebeen.

Guushooda ayaa waxaa gun u ah difaacooda oo adag iyo shaqo adag oo aan daal lahayn oo ay ciyaartoydu qabtaan. Illaa hadda ciyaartoy ka hortimid Marooko oo gool ka dhaliyay koobkan maba jiro – hal gool ayaase ka dhashay oo ay iyagu iska dhaliyeen, waa ciyaartii ay la lahaayeen Canada.

Xulkan ayaa kamid ah xulalka sida wayn loo taageerayay intii uu socday tartankan.

Dadka qabanqaabinayay tartankan ayaa sheegay in Koobka Adduunku uusan ku saabsanayn Qatar oo kaliya, ee uu yahay tartan ay martigelintiisa wada eeganayaan gobolka Bariga Dhexe iyo Muslimiinta oo dhan. Ma heli doonaan wax wayn oo ay dhammaadka tartakan u dabbaaldegaan?

Leave a Reply

Your email address will not be published.