Askarigii loo heystay dilka Juweyriya Subcis oo dil toogasho ah lagu xukumay

Askarigii loo heystay dilka Juweyriya Subcis oo dil toogasho ah lagu xukumay

Jig Jiga (Raxanreeb) — Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamadda gobolka Faafan ee Jigjiga ay dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Juweyriya Subcis.

Garsooraha maxkamadda ayaa la sheegay inuu xukunkan u cuskaday xeerka ciqaabta itoobiya.

Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada federaalka ee gacanta ku hayay ammaanka garoonka magaalada Jigjiga ayaa 25-kii Oktoobar rasaas ku furay xildhibaanad Juweeriya.

Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, ayaa ahayd xildhibaan heer deegaan ah oo laga soo doorto degmada Daratoole ee gobolka Doolo.

Rasaasta ay ku geeriyootay Juweeriya dadka ku dhawaacmay waxaa ka mid ah walaasheed Ayaan oo ay Juweyriya ka doontay garoonka.

Bbc

Leave a Reply

Your email address will not be published.