Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milltari u fidiyaan Ukraine

Brussels (Raxanreeb) — Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Maraykanku uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Ukraine, xilli uu dalkaasi la baaxaa degayo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada Ruushku kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas.

Lacagta uu Midawga Yurub soo jeediyey ee lagaga doodayo Brussels, ayaa gaadhaysa illaa $2.1 bilyan oo dollar oo dalkaas lagaga caawinayo dhinaca saadka hubka ee la geynayo.

Midawga Yurub ayaa horey u soo rogay sideed wareeg oo cunaqabatayn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka iyo wershedaha Ruushka, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.

Wareega sagaalaad ee cunaqabataynada ee uu soo rogayo Midawga Yurub ayaa lagu beegsanayaa saraakiil ka tirsan dawladda Ruushka, wershedaha soo saara qalabka difaaca iyo weliba bangiyada Ruushka.

AP, AFP and Reuters

Leave a Reply

Your email address will not be published.