Cabudwaaq (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in malleeshiyo hubeysan ay Bartmaah degmadaasi ku dileen Nin Ganacsade caan ka ahaa, iyagoo oo dilka kaddib goobta is kaga baxsaday.
Malleeshiyaadka ayaa Ninka Ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur ku dilay Kaalin Shidaal oo uu kulahaa Xaafadda Waaberi ee bartamaha degmada Cabudwaaq.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya sidoo kale in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira dilal aanooyin qabaa’il oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha dega degmada Cabudwaaq, kuwaas oo dhowr jeer soo laab laabtay.
Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmadaasi Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas, walow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan, hayeeshee meydka Ninkii Ganacsadaha ahaa ay goobta ka qaadeen.
Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka Ninka Ganacsadaha ahaa loogu geystay degmadaasi, waxaana dhowr jeer kusoo laab laabtay degmada Cabudwaaq dilalka la xiriira Aanooyinka qabiil.
Leave a Reply