Ku dhawaad 50 qof ayaa dalka Hindiya ugu dhintay roobab mahiigaan ah oo tan iyo Axadii ka da’ayay gobolka Himachal Pradesh ee waqooyiga Hindiya.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Tahriibayaal booyad shidaal lagu soo qariyay oo lagu qabtay Tanzania
Waaxda Socdaalka ee dalka Tanzania ayaa gacanta ku dhigtay 65 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu soo qariyay Booyad Shidaal.
Dowladda Soomaaliya oo farriin codsi ah u dirtay dadka ku nool Ceelbuur iyo Galhareeri
Sida lagu baahiyay barta Facebook ee wakaaladda Wararka Soomaaliya ee Sonna dowladd ayaa ku warglisay shacabk aku dhaqan deegaannada ku dhowdhow Galhareei iyo Ceelbuur in ay ka fogaadaan aaggaas oo lagu wado in ay ka dhacaan dagaallo iyo duqeymo.
Madaxweyne Guudlaawe oo sheegay howlgallada ka dhanka Al-Shabaab inay sii ballaarinayaan
Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa markale ka hadlay howl-gallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, isaga oo shaaciyay deegaano uu ku wajahan yahay duulaan culus.
Senator Dubbe oo dhalleeceen adag u jeediyay xildhibaanada BFS
Senator Cusmaan Abakor Dubbe oo maanta ka hadlay fadhiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo madaxda dalka ugu baaqay in ay dagaalka qeyb ka noqdaan oo aan kaligiis lagu fiirsan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidamo ka gadoodsan mushahar la’aan oo xirtay waddooyinka qaar ee Puntland
Ciidamo ka gadoodsan mushar la’aan oo ka tirsan Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa xirtay kaantaroolka koonfureed ee Magaalada Garoowe, iyada oo sidoo kale Ciidama ay xirteen kaantaroolka magaalada Xarfo ee gobolka Mudug.
Dagaalka Sudaan oo dib uga qarxay magaalooyinka qaar
Sida lagasoo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaal ayaa maanta oo Axad ah ka qarxay magaalada Nyala ee galbeedka Suudaan iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Koonfurta Darfur, goobjoogayaal ayaa sidaasi sheegay. Dagalka dabadheeraaday ee Suudaan ayaa laga cabsi qabaa in uu gobolka oo dhan ku baaho.
Masjid Iran ku yaal oo uu ka dhacay weerar dad lagu laayey
Warar ay baahiyeen warbaahinta dalka Iran ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masjidka Shah Cheragh ee magaalada Shiraz.
Taliska Ciidamada Danab oo sheegay dagaal ka dhacay Jubbada Hoose in ay dileen xubno Shabaab ah
Taliska Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Janaay Cabdalla Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland in lagu dilay dagaalamayaal katirsan ‘AS’.
Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan QM ee Soomaaliya oo kulan la yeelatay Guddoonka BFS
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.






