Tehran (Raxanreeb) — Warar ay baahiyeen warbaahinta dalka Iran ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masjidka Shah Cheragh ee magaalada Shiraz.
Labo ka mid ah dadka la dilay ayaa lagu soo waramayaa inay ahaayeen dad ka shaqeynayey masjidka oo lagu tiriyo inuu yahay halka saddexaad ee ugu muhiimsan Shiicada Islaamka.
Waxaa lagu soo waramayaa in laba nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarka. Mid ka mid ah ayaa lagu soo waramayaa in gacanta lagu dhigay, iyadoo booliskuna ay baadigoob ugu jiraan kan kale.
Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxaa dhacay weerar lagu qaaday masjidka oo ay ku dhinteen saddex iyo toban qof.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda. Labo qof ayaa bishii hore lagu fuliyay xukun dil ah oo lagu eedeeyay inay gacan siiyeen ninka hubeysan.