Dowladda Soomaaliya oo farriin codsi ah u dirtay dadka ku nool Ceelbuur iyo Galhareeri

Muqdisho (Raxanreeb) — Sida lagu baahiyay barta Facebook ee wakaaladda Wararka Soomaaliya ee Sonna dowladd ayaa ku warglisay shacabk aku dhaqan deegaannada ku dhowdhow Galhareei iyo Ceelbuur in ay ka fogaadaan aaggaas oo lagu wado in ay ka dhacaan dagaallo iyo duqeymo.

fhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood,ayaa sheegay in dowladdu ay ka fikireyso badqabka dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada la doonayo in uu ka dhaco howgal ballaaran oo Al-shabaab looga saaro halkaa, sidaa darteedna la rabo in dadku ay ka dheeraadaan goobahaas si aaney waxyeello u soo gaarin.

Wuxuu sheegay in codsiga mooyee aaney faahfaahin intaa dheer bixin karin maadama howshu tahay arrin dagaal.

Dolwadda ayaa abaabul ciidan oo xooggan ka wada deegaannada Galmudug kaas oo sababay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmo ku sugnyahay Dhuusamareeb isagoo xalayna ka sheegay halkaa in wajigii labaad ee dagaalka uu bilaabanayo.