Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan QM ee Soomaaliya oo kulan la yeelatay Guddoonka BFS

Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan QM ee Soomaaliya oo kulan la yeelatay Guddoonka BFS

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ergeyga oo marka hore warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka ayaa waxay Guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka, xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo meel wanagsan maraya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunnaanadka kulanka boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u heeyso Qaramada Midoobay taageerada joogtada iyo kor u soo qaadida nabada iyo xasiloonida dalka, waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka shaqeyn doono waxkasta oo dan u ah qaranimada iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing oo uu wehliyo Mudane  Paul Partner oo ah sarkaal UNSOM u qaabilsan arrimaha siyaasadda.

Guddoomiyaha iyo Wakiilka XG ee QM waxay si ka wada hadleen, xaaladda guud ee Dalka, arrimaha dib u eegista Dastuurka ee haatan socota, habka ugu haboon ee lagu qaban karo doorashooyin qof iyo cod ah iyo sidii dalku uga guuri lahaa nidaamka qabiilka ku salaysan ee 4.5 looguna guuri lahaa nidaam ku salaysan axsaab, iyo sidoo kale sidii hay’adaha QM gacan uga gaysan lahayd fududaynta arrimahaas horyaalla Qaranka Soomaaliya.