Daadad tobanaan qof ku dilay Hindiya

Daadad tobanaan qof ku dilay Hindiya

Mumbi (Raxanreeb) — Ku dhawaad 50 qof ayaa dalka Hindiya ugu dhintay roobab mahiigaan ah oo tan iyo Axadii ka da’ayay gobolka Himachal Pradesh ee waqooyiga Hindiya.

Goob macbad ah oo duntay ayaa ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ku dhinteen, iyadoo ugu yaraan sagaal qof ay halkaa ku dhinteen.Saraakiisha ayaa ka baqaya in dad badan ay ku hoos jiraan burburka.

Wasiirka ugu sareeya gobolka Suk Windersingh Soka, ayaa sheegay in roobabka mahiigaanka ah ay keeneen dhul go’ iyo daadad ka dhacay gobolka.

Waddooyin badan oo muhiim u ahaa isu socdka dadweynaha iyo gaadiidka ayaa xirmay.

Waxa uu sidoo kale lagu wadaagay baraha bulshada muuqaal ku saabsan fatahaadda ka dhacday Mandi, halkaas oo daadadku ay ka soo qulqulayaan dhulka joogga dheer.

Sanadka oo dhan, kumanaan dalxiisayaal ah ayaa booqda gobolka Himachal Pradesh, gaar ahaan xaruntiisa, Shimla, si ay waqti ugu qaataan cimilada qabow iyo muuqaallada quruxda badan ee deegaannadaas.