Ciidamo ka gadoodsan mushahar la’aan oo xirtay waddooyinka qaar ee Puntland

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamo ka gadoodsan mushar la’aan oo ka tirsan Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa xirtay kaantaroolka koonfureed ee Magaalada Garoowe, iyada oo sidoo kale Ciidama ay xirteen kaantaroolka magaalada Xarfo ee gobolka Mudug.

Arrintan ayaa keentay in gaadiid xamuul ah ay ku xirmaan Kastamka gobolka Mudug, loona diiday in ay u gudbaan magaalada Boosaaso oo ah Caasimadda Gobolka Bari ahna xarunta ganacsi ee maamul gobaleedka Puntland.

Tobaneeyo baabuur oo kuwa xamuulka ah oo ku sii jeeday gobollada dhexe ee dalka, ayaa lagu xanibay kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, halka kuwa kalena loo diiday inay maraan magaalada Boosaaso.

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu wajahayey cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya Siyaasiyiinta, iyada oo xilligaan saraakiisha Ciimada maamulkaas ay ku eedeeyeen Deni in uu diiradda saaray Olalaha doorashada.

May 31, 2023 Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xirtay waddada Wasaaradaha ee magalada Caasimadda ah ee Garoowe islamarkaana gasha Madaxtooyada looga arrimiyo Dowlad Gobaleedka Puntland.

Ciidankan gadoodsan ayaa ku adkaysanaya in ay san jidka bannayn doonin inta laga siinayo mushahaarka iyo xuquuqda uga maqan Xukuumadda Puntland waxaana la arkayey Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay ciidamo labisan dharka ciidanka oo ay u xiranyihin wadada.