Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Beerta Faay Yuusuf oo u dhow tuulada Yimbis ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen inka badan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Al-shabaab oo ka hadashay cidda ay ku beegsadeen weerarkii Baardheere
Iyadoo shalay gelinkii hore laba qarax ay ka dhaceen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta tagaeerta Al-shabaab waxey ku warrantay in qaraxyadaas lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.
Xasan Sheekh muxuu kala hadlay Xoghayaha Difaaca ee Dowladda Mareykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin.
Beesha Caalamka oo wada xaajood isugu baaqay Mucaaradka iyo Deni
Beesha Caalamka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo mucaaradka kasoo horjeeda ugu baaqday in ay wadahadal kusoo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira oo gaaray in ay ku dagaalamaan Magaalada Garoowe.
Kenya oo shaacisay inay soo afjareeyso Shabaabka ku jira gudaha dalkeeda
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlay Dadka Deegaanka Masalani ee katirsan Ismaamulka Gaarisa ayaa sheegay in Dowladdiisa ay go’aan ku gaartay soo afjaridda Shabaabka ka dagaalamaya Gudaha Dalkaas.
Iran oo 20 dal ku eedeysay dibad-baxyadii Mahsa Amini
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Iran ayaa sheegay in Mareykanka iyo Faransiiska ay ka mid yihiin 20 dal oo ku lug lahaa dibad-baxyo dalka oo idil ka dhacay sanadkii tegay oo ka dhashay geerida Mahsa Amini.
Taliye Odawaa Yuusuf Raage oo xilka laga qaaday laguna baddelay Ibraahim Sheekh Muxidiin
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Saraakiil katirsan DF oo kasoo muuqday Maxkamadda G/Banaadir
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Madaxweynaha Ugandha oo ka caafimaaday cudur laga helay
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuusan hadda qabin cudurka Covid-19 oo dhawaan laga helay. Dhowr iyo toban maalmood ka hor ayaa xanuunka laga helay Museveni, waxasae uu hadda sheegay inuu ka caafimaaday wax uu ku tilmaamay “cadow”.
Wasiirrada Arrimaha Gudaha DF iyo Maamul Goboleeydyada oo ku shiraya Kismaayo
Wasiirka Arrimaha Gudaha, DF & Dib u heshiisinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedyada Hoostaga Dowladda Federaalka ayaa gaaray Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland.





