Baardheere (Raxanreeb) — Iyadoo shalay gelinkii hore laba qarax ay ka dhaceen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta tagaeerta Al-shabaab waxey ku warrantay in qaraxyadaas lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.
Warka lagu baahiyay qaar ka mid ah baraha Internedka ee Al shabaab tagaeera ayaa lagu sheegay in qaraxa kowaad lala eegtay meel ay ku shirayeen ciidamo Itoobiyaan ah halka kan labaadna la sheegay in lagu bartilmaamedsaday ciidamo gurmad ahaan u tagay goobta wax ka dhaceen.
Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa sheegashada Al-shabaab, hase yeeshee BBC-du waxay ilaa iyo hadda fahamsantahay in qaraxyada lala beegsaday xaruun lagu tababarayay ciidamo Soomaali ah.
Ilaa 7 qof oo askar iyo shacab isugu jira ayaa weeraradaas ku dhintay halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay.