Xasan Sheekh muxuu kala hadlay Xoghayaha Difaaca ee Dowladda Mareykanka

Xasan Sheekh muxuu kala hadlay Xoghayaha Difaaca ee Dowladda Mareykanka

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin.

“Austin ayaa ku bogaadiyay  Madaxweynaha  horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, isaga oo warbixin ka guulihii laga gaaray wajigii 1-aad ee dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.