Kenya oo shaacisay inay soo afjareeyso Shabaabka ku jira gudaha dalkeeda

Kenya oo shaacisay inay soo afjareeyso Shabaabka ku jira gudaha dalkeeda

Nairobi (Raxanreeb) — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlay Dadka Deegaanka Masalani ee katirsan Ismaamulka Gaarisa ayaa sheegay in Dowladdiisa ay go’aan ku gaartay soo afjaridda Shabaabka ka dagaalamaya Gudaha Dalkaas.

Aadan Barre Ducaale ayaa Dadka ku nool Deegaannada ay ‘AS’ weerarrada ka geysanayaan ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si loosoo afjaro haddii kale nabadgalyada Deegaannadooda xumaaneyso.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay in ciidamadu ay u diyaarsan yihiin fulinta howlgallo xooggan oo ka dhan ah ‘AS’ Sidaas awgeed loo baahan yahay kaalinta shacabka ee wadashaqeynta ah.

”Dagaallada & Rabshadaha Argagixisada waa mid u baahan in si wadajir ah loola dagaalamo, waxaa naga go’an in aan soo afjarno joogitaanka deegaannada Gobolka Waqooyi Bari, Dhammaanteen waa in aan iska kaashanaa la dagaalanka Argagixisada” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo Militari ah ku kordhisay kuwa Booliiska ah ee ka howlgallada Ismaamullada Mandheera, Gaarisa iyo kuwa kale ee xadka la wadaaga si ay uga hortagaan Dilalka iyo weerarrada ‘AS’.