Garowe (Raxanreeb) — Beesha Caalamka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo mucaaradka kasoo horjeeda ugu baaqday in ay wadahadal kusoo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira oo gaaray in ay ku dagaalamaan Magaalada Garoowe.
Baaqa ayaa labadaan dhinac loogu soo jeediyay in ay ka fogaadaan wax weliba oo sababi kara dhibaatooyin kala dhantaalla nabadda, xasiloonida iyo kala dambeynta Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland.
Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo ‘saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah’ sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah.
“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yiri bayaankan Beesha Caalamka.
Qoraalka ayaa sidoo kale lasii raaciyay, “Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland”.
Bayaankaan waxaa wadajir usoo saaray Howlgalka KMG ah Midowga Afrika ee (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.