Wasiirrada Arrimaha Gudaha DF iyo Maamul Goboleeydyada oo ku shiraya Kismaayo

Wasiirrada Arrimaha Gudaha DF iyo Maamul Goboleeydyada oo ku shiraya Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb) — Wasiirka Arrimaha Gudaha, DF & Dib u heshiisinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedyada Hoostaga Dowladda Federaalka ayaa gaaray Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid oo ku dhiirrageliyay in natiijo wanaagsan ay kulankaan kasoo saaraan kulankaan muhiimka ah.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo daah-furay kulankaan Wasiirrada Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda ayaa ugu baaqay in ay diiradda saaraan ka mira-dhalinta hal ku dhigga shirkaan.

‘Shirka isku dubbaridka Xasilinta Qaranka’ ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ay ugu talagashay in wasiiradda labada heer ay uga arrinsadaan sidii ay u xoojin lahaayeen ka shaqeynta xasiloonida.