Tel Aviv (Raxanreeb online) – Maamulka Israa’iil, ayaa wali layaaban indhahana la taagaya sida uu u dhacay weerar ay kooxda hubeysan ee Xisbullaah u adeegsatay diyaarad aan duuliye laheyn, taas oo lagu weeraray saldhig ay leeyihiin ciidanka milatariga Israa’iil . Sidoo kale, weerarka Xisbullaah ay ka fulisay gudaha Israa’iil ayaa lagu dilay afar askari oo...
Author: mowliid A (mowliid A)
Diyaaradaha Isra’iil oo duqeyn ka fuliyay goob ay deganaayeen koox Masiixiyiin ah.
Lubnaan (Raxanreeb online) – Sida ay xaqiijisay Hey’adda Laanqeerta Cas ee Lubnan, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen Isniinti guryo ku yaalla waqooyiga dalka Lubnan. Sidoo kale, duqeynta ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool...
Diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaalka Shiinaha oo galay xadka Taiwan iyo xiisad colaadeed oo kataagan halkaas.
Taiwan (Raxanreeb online) – Dowladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu cabsi galinayo maamulka iyo shacabka Jaziirada Taiwan, oo Shiinaha aaminsan yahay in dalkeeda katirsan yahay. Sidoo kale, Shiinaha ayaa maanta isku hareereeyay Jaziirada Taiwan, waxaana maraakiibta dagaalka iyo kuwa diyaaradaha qaada ee Shiinaha ay galeen biyaha Jaziirada Taiwan. Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ayaa...
Degmooyinka gobolka Banaadir oo saxmad laga dareemayo kaddib tallaabadii uu qaaday Madaale.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, ayaa magacaabay guddi kormeer ku sameeya xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, si ay guddigaasi usoo qiimeeyaan una soo arkaan sida maamulka iyo xubnaha kale ee koonsalka u shaqeeyaan. Kormeer ay dhawaan guddigan ku tageen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, ayey kula soo kulmeen shaqo xumo ka jirta xarumaha...
Cabdi Xaashi iyo Saalax Axmed Jaamac oo heshiis ka gaaray khilaafkii soo kala dhexgalay.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiis wada jir ah ka gaadhay arrinta ku saabsan go’aanka maamul ee tirsigiisu yahay: Tix: GAS/B-11/17/24 kuna taariikhsan 12 Oktoobar 2024. Wadahadallo ay yeesheen guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa ugu...
Golaha deegaanka degmada Xudur oo xilka laga qaaday sababo laxiriira wadashaqeyn la’aan dhexdooda ah.
Beydhabo (Raxanreeb online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan, ayaa kala diray guddoonka iyo golaha deegaanka ee degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kadib markii lagu eedeeyay shaqo xumo iyo wadashaqeyn la’aan dhaxdooda ah. Sidoo kale, wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, ayuu ku sheegay sababaha shaqada looga joojiyay...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ka Furay Shirka 7-aad ee Madasha Dhaqaalaha Qaranka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Iyadoo jawiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho uu yahay mid xamaasad leh, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu si rasmi ah u daah furay Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ee 7-aad, taasoo ka dhigan mid muhiim u ah socdaalka Soomaaliya ee dib u soo nooleynta dhaqaalaha. Madashan oo bilaabatay...
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal.
Afgooye (Raxanreeb online) – Xiisada ka taagan degmada Afgooye ayaa cirka isku sii shareereysa kadib markii afar askari lagu dilay iyadoo dadka deegaanka ay isugu soo baxeen waddooyinka. Dibad-baxayaashu waxay ku andacoonayaan in askartu ay dhibanayaal u ahaayeen qaab-dhismeed iyaga u gaar ah iyagoo farta ku fiiqay ciidammo kale oo ka tirsan kuwa dowladda ay...
Soomaaliya oo laga xusaayo Sanadguuradii 7-aad ee Qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Waxaa maanta ay ku beegan tahay sanadguuradii 7-aad ee ka soo wareegatay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxii October 14, 2017 ayaa dhacay kadib markii gaari xamuul ah uu ku qarxay isgooyska mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen...
Maamulka Isra’iil oo iska fogeyneeso weerarada ay kuqaado xeryaha ciidanka UNIFIL.
Tel Aviv (Raxanreeb online) – Milateriga Israa’iil ayaa muuqaal ay soo galiyeen barta X ee horey Twitterka loogu yaqaanay, ku sheegay in uu kayd hub badan ka buuxo ay kooxda Xisbullah ugu yaallo meel u dhow saldhigga ciidamada Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL). Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay milatariga Israa’iil lana socday muuqaalka ay...









