Bannaanbaxyo kale oo rabshado watay ayaa Talaadadi shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysisa isla markaana dacwado ku soo oogay dibadbaxayaal dhagxaan ku tuurayay bartamaha magaalada Nairobi, si ay isugu dayaan in ay xakameeyaan rabshadihi ugu ballaarnaa ee Kenya ka dhaca, tan iyo marki ugu yaraan tobnaan qof lagu dilay bannaanbaxyadi todobaadki hore.
Mudaaharaadyada dalka oo dhan ka dhacay ayaa muujiyay in madaxweyne William Ruto uu ku guul darreystay inuu qanciyo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ee bannaanbaxyada dhigaya, inkasta oo uu ka tanaasulay qorshayaashii canshuur kordhinta ee dhaliyay qalalaasaha todobaadkii hore.
Mudaaharaadyadii Talaadadii ayaa ku bilowday dareen xamaasad leh, balse waxa ay isku baddalay rabshado. Xooggooda ayaa ka dhacay tuulada ganacsiga ee bartamaha magaalada Nairobi. Ciidamo boolis ah oo xirnaa koofiyado isla markaana sitay budad alwaax ah iyo gaashaamo, ayaa ka hortahay dhallinyarada rabshadaha dhigayay.
Dukaammo ayaa la gubay, shaqaalaha gargaarka dag dagga ahna waxay ku mashquul sanaayeen daweynta dadka dhaawaca ah, halka boolisku ay xirayeen dadka waddooyinka joogay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaasha iyo saxafiyiinta.
Meelaha kale ee ay bannaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid aheyd magaalada labaad ee ugu weyn Kenya ee Mombasa. Dadka ayaa watay laamaha geedaha timirta isla makraana yeerinyay buun caag ah, iyaga oo ku qeylinayay “Ruto ha baxo!”
Leave a Reply