Waxaa Maalintii labaad ka socdo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug shir lagu heshiisiinayo labadii Maleeshiyo Beeleed eek u dagaalamay degaano kuyaalla Galbeedka gobolka Mudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guulaystay in ay isu keenaan odayaasha iyo waxgaradka labadii beelood oo dhawaan ku dagaallamay galbeedka Gobolka Mudug.
Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiiro ay weheliyaan maamullada heer gobol iyo heer degmo iyo saraakiil ciidan ayaa gogol nabadeed oo hordhac ah isugu keenay odayaasha labada beelood.
Wasiirka waxbarashada Puntland iyo Wasiirka Amniga Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa faah faahiyay ujeedada kulanka iyo waxa looga baahan yaha dhinacyada ku dagaalamay Galbeedka Gobolka Mudug, iyaga oo dhinacyada ugu baaqay inay xal gaaraan.
Si kastaba weli degaano katirsan Maamulka Galmudug waxa ka taagan colaad beeleedyada iyo dilal aanooyin qabiil ah, iyada oo habeen ka hor degaan hoostaga degmada Cabudwaaq Saddex qof aano qabiil loogu dilay
Leave a Reply