Suuriya (Raxanreeb online) – Wakaaladda wararka ee Reuters, waxay soo bandhigtay khiyaannada uu Bashaar Al-assad kula kacay la-taliyayaashiisa amniga, saraakiisha militariga, sirdoonka iyo howlwadeennada xafiiskiisa, saacadihii u dambeeyay ee uu ka baxayay Dimishiq.
Waatan sheekada;
Saacado ka hor inta uusan u baxsan Moscow — Bashaar waxa uu la kulmay 30 ka tirsan saraakiisha u sarreysa ciidamada, nabadsugidda iyo la-taliyayaasha amniga, wuxuu markaa u sheegay inay soo socoto taageerrada militari ee Ruushka oo si dhaqso ah u burburin karta horu socodka ciidanka mucaaradka , isagoo ku boorriyay inay adkaystaan—waxa uu soo gaba gabeeyay shirkii, waxa uuna ku wargaliyay maareeyaha xafiiskiisa in uu ku laabanayo gurigiisa, balse waxa uu aaday dhanka saldhigga ciidamada Ruushka si uu uga baxsado.
Intii uu sii socday ayuu wacay lataliyihiisa dhanka warbaahinta Buthaina Shaaban, wuxuuna ka codsaday in ay timaado gurigiisa si ay khudbad uu kula hadlayo dadweynaha Suuriya iyo caalamka ugu diyaariso — laakin markii Buthaina ay timid gurigiisa, waxay oggaatay inuu gabi ahaanba gurigu madhan yahay, waxay qaadatay 24 saac in la oggaado halka uu aadday Bashaar!
Waa maxay ujeeddada?
Wax walba uu sameeyay Bashaar, waxay ahaayeen wax ku talagal u dhacay wuxuu si bareer ah ula kulmay taliyaasha, halka uu ula kac u wacay
Buthaina , isagoo ku wargelinaya inay u diyaariso khudbad uu ku sawiran yahay , wax kasta wuxuu u sameeyay waa inuu ka baxsanayay in la dilo..!
Warkan wuxuu soo baxay , iyadoo maalin ka hor ay soo bandhigtay shabakadda Bloomberg in baxsashada Bashaar Al-assad ay diyaariyeen sirdoonka Ruushka , kuwaa oo xataa sameeyay in la damiyay raadaarka diyaaradda geysay saldhigga Ruushka oo labo mar la beddelay jihada ku toosan illaa la dambiyay raadaarkii lagala soconayay duulimaadkaa..!
Iskudarka macluumaadka Reuters iyo Bloomberg, waxay tilmaam ka bixinaysa inay jirto surtagalnimada Bashaar Al-assad iyo sirdoonka Ruushka u arkayeen in gudaha nidaamka Assad laga diyaarinayo ama la fududeynayo qorshe lagu dilayo haddii uu iskudayo inuu baxsado, sababtoo ah qaar ka mid ah saraakiisha muhiimka ahaa ee ilaalada jamhuuriga iyo qeybta 4aad ee ciidanka Suuriya, waxaa guryahooda iyo xafiisyadooda loogu tagay iyagoo la dilay ka hor inta aysan soo galin Dimishiq — ciidanka la wareegay xukunka.
Leave a Reply