Nairobi ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa aqbalay gogol wada- hadal ah oo Kenya taalo oo uu dalbaday Madaxwaynihii dowladda KMG ahayd Shariif Sheekh Ahmed. Shariif iyo Xasan ayaa ka wada hadlayo dhamaynta khilaafka ka dhasha wax ka bedelka Dastuurka oo afar cutub wax badan lagu soo daray oo uu saxiixay Xasan...
XOG : Ruto oo bad u raadinaya Abiy Ahmed & Hassan Sheekh oo lagala hadlay.
Nairobi (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya , shir magaalada Nairobi ee Kenya ay ku yeesheen madaxwaynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Booqashada Madaxwayne Xasan oo ah mid rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Kenya William Ruto ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan khilaafka Soomaaliya...
Dowladda Xasan Sheekh oo khilaaf kale lugaha la gashay.
Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo laba sanno ku dhaw ayaa wajahaysa cadaadisyo kale oo dhanka khilaafaadyada siyaasadda ah taas oo laga digayo sii socoshadiisa. Dowladda Soomaaliya ayaa khilaafka ugu daran waxa ay kala kulantay , wax ka bedelka Dastuurka KMG ah oo ay maamulada diiday ka mid ah maamul goboleedka Puntland....
Dowladda : Yaa xilka laga qaadi rabaa Yaase la magacabayaa !
Muqdisho (Raxanreeb )- Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya isku shaandhaqayn aad loo hadal hayo oo lagu samayn doono dhawaan Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya. Sida xogaha la sheegaya meelaha ay saamayn doonto isku shaandhaynta ayaa ah Wasaaradaha amniga Qaranka , Arimaha gudaha & wasaaradda arimaha dibadda. Isbedalkan ayaa xukuumadda Soomaaliya samaynaysa ka dib markii maalmo ...
DASTUURKA : Shaki laga qabo amaanusnaanta 4 madaxwayne goboleed.
Muqdisho (Raxanreeb )- Ma cadda wali mowqifka afar madaxwayne oo maamul goboleedyada ah oo la xiriira talabaada uu qaaday madaxwaynaha Soomaaliya ee wax ka bedelka Dastuurka. Maamul goboleedka Puntland keliya ayaa diidmo adag kala hor yimid go’aanka Villa Soomaaliya ee arrimaha Dastuurka oo khilaaf badan uu ka taagan isla markaana uu saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud....
Safarka MW Xasan ee Galmudug : Dhoolatus dagaal ama isbedel ciidan ?.
Dhuusmareeb (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dib ugu laabtay deegaanada maamulka Galmudug ka dib markii uu hakad galay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab. Madaxwaynaha ayaa la sheegay in ujeedka ugu wayn ee Galgaduud ay tahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dagaalka , ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab. Saraakiisha Ciidanka...
Dhoola-tuska Mahad Salaad & Amni darrada Muqdisho ?.
Muqdisho (Raxanreeb ) Mahad Salad Inta uu joogay xilka taliyaha Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Caasimada iyo guud ahaan wadanka waxaa Ka dhacay dhacdooyin isugu jiro weeraro, qaraxyo iyo gabood falo loogaystay muwadiniin kuwaasi oo saamayn balaaran Ku yeeshay arimaha amniga casimadda iyo wadanka. Taliyaha maalmihi udanbeeyay waxa uu magaaladda Ka samaynayay...
Maxay maamulada uga aamusan yihiin Dastuurka marka laga reebo Puntland ?
Muqdisho (Raxanreeb )– Dooda ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa si aad ah ugu socoto golayaasha siyaasada dalka waxana jira diidmo xoogan oo u la kulmay. Siyaasiin badan iyo madax kala duwan ayaa gaashaanka u daruuray in waqtigan la joogo la qaado talaabo kasta oo wax u dhimi karta midnimada...
XAQIIQ : Madaalle amarkiisa kama dhaqangalin caasimadda.
Muqdisho (Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waddooyin ka mid ah waxa wali ka jira cariiri xoogaan oo la xiriira gadiidka kala duwan ee dhax mushaaxaya waddooyinka caasimadda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo ka hadlayay goob ay ku dhamadeen dad shacab ah isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ka dib shil gaari oo sababay...
XOG : Sababta dib u dhaca kulanka Barlamaanka ee meelmarinta Dastuurka.
Muqdisho (Raxanreeb) –Maanta oo Arbaca ah waxa dib u dhac uu ku yimid kulan Villa Hargaysa ay ku yeelan lahaayeen Barlamaanka labadiisa Aqal waxaana soo baxaya xog ku saabsan sababta baaqashada kulanka. Xildhibaanada ay qorshaha ugu jiray maanta meel marinta cutubyo ka mid ah Dastuurka oo dood adag wali ay ka taagan tahay habka loo...









