Muqdisho (Raxanreeb )- Ma cadda wali mowqifka afar madaxwayne oo maamul goboleedyada ah oo la xiriira talabaada uu qaaday madaxwaynaha Soomaaliya ee wax ka bedelka Dastuurka.
Maamul goboleedka Puntland keliya ayaa diidmo adag kala hor yimid go’aanka Villa Soomaaliya ee arrimaha Dastuurka oo khilaaf badan uu ka taagan isla markaana uu saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud.
Maamulada Koonfur Galbeed , Jubbaland , Galmudug , Hirshabeelle iyo Khaatumo oo ugub ah ma aysan cadayn , mowqifkooda ku aadan wax ka bedelka Dastuurka dalka.
Shaki badan ayaa ka dhashay waxyaabaha ilaa iyo – hadda ay la aamusan yihiin afarta maamul goboleed oo qaarkoodba markiihore isku wanaagsanayn Xasan Sheekh Maxamuud sida Koonfur Galbeed.
Baraha bulshada ayaa si aad ah waxa u wareegaya in saacado badan oo ay ka so wareegatay wax ka bedelka Dastuurka hase ahaatee wali aysan cadayn mowqifka maamul goboleedyada qaar.
Laakiin Raxanreeb ayaa fahansan in maamulada qaar aysan ku qanacsanayn sida ay wax u wado Villa Somalia maadama meesha laga saaray qaar ka mid ah qodobo hore ay u wada saxiixeen.
Fakarka badan ayaa la sheegay in maamulada qaar ay doonayaan inay ka ogaadaan hanaanka wax ka bedelka Dastuurka maadama ay isku diyaarinayaan doorashooyinka soo socda ee maamulada.
Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Laftagareen waxa ay hadda kusugan yihiin Boqortooyada dalka Sacuudiga halkaas oo ay cimro ujoogaan halka maamaha soo aadan lafilaayo in uu kubiiro Qoor Qoor.
Leave a Reply