Dhoola-tuska Mahad Salaad & Amni darrada Muqdisho ?.

Dhoola-tuska Mahad Salaad & Amni darrada Muqdisho ?.

Muqdisho (Raxanreeb ) Mahad Salad Inta uu joogay xilka taliyaha Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Caasimada iyo guud ahaan wadanka waxaa Ka dhacay dhacdooyin isugu jiro weeraro, qaraxyo iyo gabood falo loogaystay muwadiniin kuwaasi oo saamayn balaaran Ku yeeshay arimaha amniga casimadda iyo wadanka.

Taliyaha maalmihi udanbeeyay waxa uu magaaladda Ka samaynayay wax u muuqda dhoolatus iyo inuu cameradaha hortooda waqti Ku bixiyo ayadda oo magaaladda caasimadda Muqadisho caawa ay Ka dheceen Laba qarax oo khasaaro Kala duwan gaystay.

Dhinaca kale bilowgii bishaan taliyahu waxa uu sidaa oo kale socod Ku maray meelo kamidda Muqdisho, waxaana isla maalmahaa weerar ku bilowday qaraxyo lagu galay, Hotel S.Y.L Kaasi oo Ku yaalo gudaha xayndaabka sidda wayn loo ilaaliyo ee Villa Somalia, arintaas oo dhakafaar ku noqotay bulshadda.

Suuqa Bakaaraha waa mid kamidda meelihii uu bilashadii sanadkaan booqday, waxa tagitaankiisii xigay qaraxyo lagu weeraray xarumihii ganacsi ee uu booqday.

Dhoola tuska Mahad Salad iyo amni xumadda magaaladda ayaa Ku noqday bulshadda caasimadda kaaf iyo Kala dheeri, iyadda oo falanqeeyayaasha amnigu arinkaan ku macneeyeen mashquulin bulsho, iyadda oo ay jiraan ismari waaga arimaha Dastuurka.

Sidoo kale, maalmihii u danbeeyay waxaa soo baxaayay warar tibaaxaya in Mahad Salad faarujin doono xilka taliyaha NISA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.