XOG : Ruto oo bad u raadinaya Abiy Ahmed & Hassan Sheekh oo lagala hadlay.

XOG : Ruto oo bad u raadinaya Abiy Ahmed & Hassan Sheekh oo lagala hadlay.

Nairobi (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya , shir magaalada Nairobi ee Kenya ay ku yeesheen madaxwaynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Booqashada Madaxwayne Xasan oo ah mid rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Kenya William Ruto ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya & xalka arrintaas ku saabsan.

Madaxwaynaha Kenya ayaa lagu soo waramayaa in hadda uu waddo soo-jeedin ku saabsan in la wada yeesho heshiis gobaleed ay dalalka IGAD si wadajir ah uga faa’ideysanayaan kheyraadka badda, arrintaas oo xal u keeni karta xiisadda hadda ka dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida ay wakaaladda Reuters ka soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, heshiiskan oo ay Kenya kala tashanayso dalalka kale ee gobalka ayaa waxa uu jaangoynayaa qaababka ay waddamada aanan badda lahayn ujeeddooyin ganacsi ugaga faa’ideysan karaan dekedaha gobalka.

“Heshiiskan ayaa ah mid meesha ka saaraya danaha ciidan iyo xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida dalalka, waxaana uu taas beddelkeeda abuurayaa iskaashi ganacsi ku kooban oo dhanka badda ah, sida uu xusay Korir Sing’oei.

Talabadan ayaa durbadiiba waxa ay abuurtay shaki badan oo la xiriirta in aanu dhamaan damaca Itoobiya ee ah in mar uun ay hesho dekad ay isticmaaasha .

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa in muddo ah u dhaxeeya Khilaaf salka ku haya fara galinta Itoobiya ee Soomaaliya ka dib markii Abiy Ahmed uu kala macaamil dhul Soomaaliyeed Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.