Shariif Shariif ‘’ Waa fashilmay wadahadalkii aniga iyo MW Xasan ‘’

Shariif Shariif ‘’ Waa fashilmay wadahadalkii aniga iyo MW Xasan ‘’

Nairobi (Raxanreeb ) –MW hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in uusan jirin wax xal ah oo kasoo baxay shirkii ay Odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada beesha Mudulood isku dayeen in ay iskugu keenan isaga iyo MW Xassan Sheekh, kaas oo ka dhacay guriga mid kamid ah ganacsatada qadiyadan ku howlanaa.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay inay isku fahmi waayeen wada-hadallada, isla markaana uu aaminsan yahay in waxkasta wada-hadal lagu xaliyo.

MW Shariif ayaa sheegay in uu sadex qodob madasha la tagey oo ah kuwa ay Soomaali oo dhan qabta una baahan tahay in xal laga gaaro, taas oo muujinaysa in dhinaca MW Xassan Sheekh layimi ajendayaal ka hooseya kuwa Qaran.

Shariif Sh Axmed ayaa u mahadceliyaya ganacsatadii waqtiga iyo dhaqaalaha kubixisay isku keenida 2-da madaxweyne, dadaalkoodii ay bixiyeen.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in kulanka uu la yeeshay Xasan Sheekh uga wada hadlayeen sidii xal looga gaari lahaa arrimaha dastuurka, arrimaha siyaasadda iyo mustaqablka dalka iyo sidii loo xalli lahaa khilaafka DFS iyo maamulka Puntland.

Sheekh Shariif ayaana caddeeyay in dhammaan arrimahan uu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh ay xal ka gaari waayeen uuna ku dhammaaday shirkooda fashil,waxa uuna xusay in uu soo dhaweenayo in khilaaf kasta lagu dhameeyo wadahadal iyo is qancin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.