FALCELIN Xasan kala kula kulmay gogosha Kenya ee Shariif -aaway tii Garoowe ?

FALCELIN  Xasan kala kula kulmay gogosha Kenya ee Shariif -aaway tii Garoowe ?

Nairobi ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa aqbalay gogol wada- hadal ah oo Kenya taalo oo uu dalbaday Madaxwaynihii dowladda KMG ahayd Shariif Sheekh Ahmed.

Shariif iyo Xasan ayaa ka wada hadlayo dhamaynta khilaafka ka dhasha wax ka bedelka Dastuurka oo afar cutub wax badan lagu soo daray oo uu saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud oo aad ugu ololeynayay qorshahan.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa & Shariif ka diiday inuu tago Garoowe halkaas oo ay tiilay gogol wada hadal ah taas bedelkeena hada ogolaaday in wada hadaladan ay ka dhacaan dalka Kenya.

Arintan waxaa ka dhalatay falcelin la xiriirta sida Xasan Sheekh aanu ugu kalsoonayn wada hadal ka dhaca dal isla markaana uu doortay Kenya taas oo Soomaalida soo xusuusinaysa shirarkii faraha badnaa ee ka dhici jira dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka deriska.

Shirka Shariif & Xasan ayaa ka dhacaya ganacsade ay isku hayb yihiin labada madaxwayne oo ku yaala magaalada Nairobi ee Kenya waxaana ka qayb galaya xildhibaano ka tirsan Barlamaanka .

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa aad loogu xusuusta hadaladiisa ku saabsanaa dhalaaceynta shirarka dibada lagu qabanayo oo uu sal uga dhigayay jilcanaanta dowladmimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.