Ciidamada Amaanka magaalada baladweyne oo fashiliyay Qarax miino oo lagu aasay goob mashquul badan.

 Baledweyne (Raxanreeb online) – Ciidanka dowlada soomaaliya ayaa maanta fashiliyay qarax miino oo ay Al-Shabaab ku doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka magaalada baladweyne.

qaraxan miino oo lagu aasay goob ay isugu yimaadan shacabka ayaa waxaa arkay qof shacab ah dibne ku wargeliyay ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan magaalada baladweyne ee xarunta gobolka taas oo kentay in miinada laga soo saaro goobtii lagu aasay.

Dadka ku nool magaalada baladweyne qaarkood ayaa sheegay in ay soo wa jahday cabsi xoogan.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u fashiliyay qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka gobolka hiiraan xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhanka ah kooxda kaasi oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska booliiska ayaan ka hadln wali qaraxan la fashiliyay ee la doonayay in lagu beegsado gaadiidka ciidanka masuuliyiinta iyo shacabka ku nool magaalada baladweyne.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howl-gallada ka socdo magaalada magaalada baladweyne si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhaca magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.