Wararka inaga soo gaaray deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in ciidanka Kumaandooska Danab ay maanta si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanka.
Howlgalka ayaa la sheegay in si qorsheysan loo fuliyay, waxaana la sheegay inta uu socday howlgalka ay ciidamada sameeyeen baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Xawaadley.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, ayaa sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga, si shacabka deegaanka ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ay ciidanka dowladda maanta ku qadee deegaanka Xawaadley oo muddo dhowr sanno ah ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Deegaanka Xawaadley, ayaa ah deegaanka istaraatiiji ah oo ay maamulka Hir-shabeelle muddooyinkii dambeeyey ay diirada saarayeen si ay ula wareegaanka maadama uu isku xiro deegaanno muhiim ah uu ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply