Ciidanka Kenya & AS oo ku fara-saaray xadka labada dal & khasaaraha jira.

Ciidanka Kenya & AS oo ku fara-saaray xadka labada dal & khasaaraha jira.

Mandheera (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo  baxaya dagaal  ciidanka Kenya iyo kooxda Al – Shabaab ku dhaxmaray xadka ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

 Dagaalka ayaa  yimid sida wararka la helayo ay sheegayaan ka dib markii kooxda Al- Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidanka Kenya oo howlgal ka waday xadka labada dal.

Sida ay sheegayaan dad xadka ku sugan dagaalka ayaa la sheegay inuu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalka uu dhaxmaray.

Inta ka xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan illaa 5 xubnood oo isugu jiro labada dhinac, waxaana sii dheer khasaare dhaawac ah oo intaas ka badan.

Rasaasta labada dhinac ay is waydaarsadeen ayaa waxa ay gaartay meelo kala duwan oo ka fog goobta lagu dagaalamay taas oo keentay in cabsi ay soo wajahdo dadka ku nool xadka labada dale e Soomaaliya iyo Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.