Dagaal beeleedyada socda ma dowladda ku lug leh ama AS ?

Dagaal beeleedyada socda ma dowladda ku lug leh ama AS ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Dagaal beeleedayda ka jira meelo badan oo dalka ah ayaa kordhay tan iyo markii dalka hoggaankiisa ay la wareegtay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaaladan xooggooda waxa ay ka dhacayaan , gobolada dhexe ee dalka iyo galbeedka gobolka Mudug halkaas oo dad badan ay ku dhinteen.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaaladaas ay kicinayaan koox argagaxisa ah oo sidan nabad ka dhalata guud ahaan Soomaaliya.

Hadalkan ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka sheegay , kala fadhiga 5aad ee Golaha shacabka .

“Waa qeyb kamid ah qorshaha argigigxisada iska horkeenidda shacabkeenna, si aan ugasii jeesano xorraynta dalka. Taasi ma dhacayso. Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yimid, iyadoo Alshabaab ay wadaan dhaqdhaaqyo ay dib ugu qabsanayaan degaanadii laga xoreeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.