Daacish oo ciidamada Puntland ku weerartay Diyaarad Drone ah oo lagusoo xiray qarax

Garoowe (Raxanreeb online) – Hal askari oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa ku dhintay, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii kooxda Daacish ay ku soo weerartay diyaarad yar oo qarax lagu soo xiray.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Janno Jiifta, oo kamid ah meelaha ay ciidamada Puntland dhowaan ka xoreeyeen kooxda Daacish. Diyaaradda qaraxa lagu soo xiray, oo ahayd nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drone-ta, ayaa bartilmaameedsatay ciidamo halkaas ku sugnaa.

Marka lagasoo tago khasaaraha, Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan saldhigyo muhiim ah oo kooxda Daacish ku lahaayeen deegaanka Janno Jiifta.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa u sheegay HOL in Ciidanka Difaaca Puntland ay hadda wadaan hawlgallo dheeraad ah, iyadoo qorshuhu yahay inay gaaaan Togga-Jeceel, halkaas oo la rumeysan yahay inay kooxda Daacish isku urursadeen.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen 8 diyaaradood oo drone ah oo qaraxyo lagu soo xiray, kuwaas oo laga helay saldhigyada laga qabsaday Daacish.

Sarkaalka ayaa sheegay in diyaaradaha qaraxyada lagu soo rakibo ay yihiin khatarta ugu weyn ee ay wajahayaan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxdaan.

Hawlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayay Puntland ku doonaysaa in lagu burburiyo kooxda Daacish iyo qalabka dagaal ee ay adeegsanayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.