Dab ka Kacay Suuqa ‘’Tog- Wajaale ‘’ oo lagu guuleystay in la damiyo

Dab ka Kacay Suuqa ‘’Tog- Wajaale ‘’ oo lagu guuleystay in la damiyo

Wajaale (Raxareeb ) Ciidamada Dab Damiska ee Somaliland ayaa soo afjaray daminta dab xalay fiidkii ka kacay suuqa degmada Tog Wajaale oo ku taala xuduudda Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya, waxaana jira khasaare ka dhashay.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay mehrado ganacsi oo aad u ballaaran, waxana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqaan oo ah mid kulmiya inta badan dadka ku nool xadka deegaannada Somaliland iyo itoobiya

Ganacsatada ayaa bilaabay in mehradaha badbaaday in ay kala baxaan hantidooda, iyadoo kuwii mehraduhu ka gubteenna ay ka raadinayaan, wax uun uga badbaaday hantidooda.sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Ciidamada Dab Damiska dawlad deegaanka Soomaalida oo iyana gurmad ahaan u yimid, ayaa ka qayb qaatay in la damiyo dabka suuqa Tog Wajaale. Waxaana muuqata khasaare xooggan inuu geystay dambka oo kacay xalay.

Somaliland wali ma shaacin sababta ka dambeysay dabka xooggan eek a kacay suuqa deegaanka Tog  Wajaale, waxaana uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe soo baxayay inta badan dabka in ay sababaan Korontada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.