Baydhabo (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya deegaano ka mid ah gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaas ay isku fara saareen ciidanka Itoobiya iyo xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab.
Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana wali aaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa hub culus.
Deegaanka lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Booco ayaa u dhow degmda Rabdhuure ee gobolka Baay, halkaas oo dhaq-dhaqaaq xoogan laga dareemayo.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooba uu soo dhigay ku sheegay in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda duleedka Rabdhuure
Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay kid cakiran.
Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.
Leave a Reply