Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Al- Shabaab & Macwiislay oo Muqdisho la keenay.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Al- Shabaab & Macwiislay oo Muqdisho la keenay.

Raxanreeb ( Muqdisho) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Muqdisho la soo gaaray qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Dadka dhaawac ah ayaa isugu jira kuwa dhaawacyadooda fudud iyo kuwa culus , sida RBC ay u sheegeen xubno ka socday dadka dhaawacmay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa uga hortagay xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka kuwaas oo sheegay in ay garab taagan yihiin dadka ay waxyeeleeyeen Al- Shabaab.

Dhaawacyada qaar ayaa la sheegay in ay daran yihiin sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii ugu tagay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in kuwa xaaladooda ay culus tahay loo qaadi doono dalka dibadiisa hadba sida ay suurtagal u noqoto halka kuwo kale lagu daawayn doono magaalada Muqdisho.

Degaano ka mid ah gobolka Hiiraan waxaa wali ka jira xaalad adag oo la xiriirta dagaalada u dhaxeeya dadka deegaanka ee is abaabulay iyo A- Shabaab.

Xaalada meelaha qaar ayaa wali kacsan sida ay sheegayaan dadka degaanka ee aan la hadalnay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.