Ganacsto laga soo furtay Al- Shabaab duleedka Afgooye.

Ganacsto laga soo furtay Al- Shabaab duleedka Afgooye.

Raxanreeb (Afgooye ) Ciidanka gaarka ah ee Haramacad ayaa lagu soo waramayaa in saaka weerar ay ku qaadeen degaanka Basro ee duleedka Degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Fariisimo Al- Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Basro ayaa la sheegay in ciidanka gaarka ah ee Dowladda Federaalka weerar ay ku qaadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Harmacad iyo kuwa duufaan ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al- Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Ciidamada dowladda sidoo kale sheegay in ay soo furteen dad shacab ah oo ganacsato ah, kuwaas oo u afduubna ururka alshabaab siday ay hadalka u dhigeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.