Dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday Galgaduud

Dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday Galgaduud

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka taagan xiisad kacsanaan ah, xilli halkaas ay shalay ku dagaallameen laba malleeshiyo beeleed.

Xiisada ayaa saaka si gaar ah uga taagan aagga deegaanka Xananbuure oo qiyaas ahaan 45 KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu xoogiisu shalay ka dhacay dagaalka labada dhinac.

Dagaalkan oo salka ku haya muran dhuleed soo kala dhex-galay labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay 7 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalka maleeshiyaad beeleedka ee shalay ka dhacay deegaanka Xananbuure.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa weli isku horfadhiya halkaasi, ayada oo billowdeen dadaalo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, oo iyagu ku howlan sidii loo kala qaadi lahaa labada maleeshiyo beeleed ee weli xiisadooda ka taagan tahay aagga Xananbuure.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaasi oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dhowaan ayay aheyd markii dagaal kan lamid ah uu ka dhacay aagga magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo xalintiisa ay ku jirto dowlad-goboleedka HirShabelle.