Dagaal udhexeeyay ciidanka Somaliland & SSC-Khatumo oo ka dhacay gobolka Ceyn.

Ceyn (Raxanreeb online) – Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa SSC khaatumo ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gocondhaale, kaddib markii la sheegay in halkaasi soo weerareen ciidamada Somaliland.

iSidoo kale, dagaalka xalay dhax maray ciidamada maamulka Hargeysa iyo kuwa Khaatumo ayaa la sheegay in ay ku dhinteen labo nin oo kamid ahaa labada dhinac, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay dhoor qof, kuwaa oo xaaladooda lala tacaalayao.

Dhanka kale, guddoomiyaha Gobolka Cayn ee maamulka SSC Khaatimo Cumar Akaabe, ayaa warbaahinta u sheegay in xalay ciidamo katirsan Somaliland oo ka yimid deegaanka Qori-lugud weerar kusoo qaadeen deegaanka Gocondhaale oo katirsan gobolka Ceyn.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada Khaatumo ay iska difaaceen weerarkaasi uga yimid dhinaca maamulka Somaliland, waxa uuna xusay in wali laga dareemayo aaga xalay lagu dagaallamay xiisad u dhaxeysa labada ciidan.

Sikastaba, Ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay is hor fadhiyay deegaanno dhaca xadka labada maamul, waxaana jira cabsi laga qabay mar kasta in labada dhinac dagaal ka dhex qarxi karo, iyadoona dhinac kasta kan kasoo horjeeda eedeyn u jeedinayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.