Khartum ( Raxanreeb Online) Waxaa saddex sano ka soo wareegtay markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suudaan 15-kii Abriil 2023, dagaal sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ugu xun adduunka.
Kumanaan qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan 12 milyan oo qof ay guryahoodii ka barakaceen, qaar kalena ay u qaxeen dalalka deriska ah iyagoo noqday qaxooti.
In kasta oo baaxadda colaaddu ay aad u weyn tahay, haddana taageerada ay bixisay beesha caalamka si loo xalliyo khilaafka ayaa aad u yarayd,
hay’adaha gargaarkuna waxay sheegeen in maalgelintu ay aad u hooseyso.
Deeq-bixiyeyaasha ayaa maanta ku shiraya magaalada Berlin si ay uga wada hadlaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa dadaallada nabadda iyo fududeynta helitaanka gargaar.
Boqolkiiba 65 dadka Suudaan waxay u baahan yihiin cunto, biyo, hoy iyo dawooyin.

Leave a Reply