Dagaalyahano katirsan Alshabaab oo weerar gaadmo ah xalay kuqaaday barkoontarool oo kutaala degmada Kaxda.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar toos ah ka fuliyay saldhig ciidan oo kuyaalla degmada Kaxda, waxa uuna weerarkan cabsi iyo khal khal badan ku beeray dadka shacabka ah ee degan aagga weerarku ka dhacay.

Sidoo kale, dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday bar koontarool ay ciidamada ammaanka kaga sugnaayeen degmada Kaxda , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay kooxda weerarka geesatay iyo ciidamada ammaanka.

Dhanka kale, Weerarka Al-shabaab ku qaadeen barta koontarool oo yaalla halka lagu magacaabo Buurta Cali Jannaale ayaa ku bilowday qorayga loo yaqaan sabanka, waxaana xigay iska horimaad  toos ah oo dhax maray kooxda Al-shabaab iyo ciidamada ammaanka.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalkamay, waxaana weerarkan oo dhacay xilli saq dhaxe ah oo dadku badi hurdeen cabsi iyo wadna gariir ku riday dadka shacabka ah.

Sikastaba, Al-shabaab ayaana marar badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana degmadan muddooyinkii dambe la dejiyay ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah , si ay uga hortagaan weerarada iyo falalka kale ay Al Shaaab geestaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.