Dalka Cuba oo eedeeyn culus u jeediyay Mareykanka

Dowladda Cuba ayaa xaqiijisay in soddon iyo laba ka mid ah muwaadiniinteeda lagu dilay hawlgalkii Washington ka fulisay Venezuela.

Dalkan oo ku tiirsan saliidda Venezuela – ayaa bixiyay inta badan ilaalada amniga ee Mr. Maduro.

Markii la weydiiyay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan tallaabo militari oo ballaaran, Mr. Trump wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in Cuba lagu qaado howlgal milatari, maadaama buu yiri ay u badan tahay inay iyadu iskeed u burburto.

Balse dhanka kale, Trump kama uusan hadlin faragelin Colombia, isaga oo ku tilmaamay madaxweynaheeda garabka bidix, Gustavo Petro, inuu yahay ganacsade daroogo ah iyo “nin xanuunsan.”

Mr Petro ayaa mar kale beeniyay eedeymaha aan “sal lahayn”, isaga oo uga digay Mr. Trump in uusan af-lagaado u geysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.