DEG DEG: Raxanreeb oo Ogaatay Falastiiniyiin lagu wado in la keeno Somaliland

DEG DEG: Raxanreeb oo Ogaatay Falastiiniyiin lagu wado in la keeno Somaliland

Hargeysa — Warbaahinta Raxanreeb ayaa heshay xog muujinaysa in Madaxweynaha Somaliland uu aqbalay qorshe lagu keenayo tiro Falastiiniyiin ah Somaliland toddobaadyada soo socda. Sida ay Warbaahinta Raxanreeb u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah, qorshahan ayaa lagu wadaa in lagu keeno in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah iyo qoysaskooda, kuwaas oo la sheegay inay ka mid yihiin Falastiiniyiinta taageera Israel.

Isha wargal ah oo ay Raxanreeb la hadashay ayaa sheegay in isbuucyada soo socda ay suuragal tahay in tallaabadan si rasmi ah loo bilaabo, inkasta oo aan weli la shaacin faahfaahin ku saabsan goobaha dejinta, habraaca sharci, iyo qaabka loo maareynayo arrintan.

Dhinaca kale, ilo madax-bannaan oo Raxanreeb la hadlay ayaa tilmaamay in qorshahan ay gadaal ka riixayso Imaaraadka Carabta, oo saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh Somaliland. Ilo-wareedku waxay sheegeen in Imaaraadku uu kaalin muuqata ku leeyahay taageerada dhaqaale ee Somaliland, taas oo la rumeysan yahay inay door ka qaadan karto hirgelinta qorshahan.

Arrintan ayaa sidoo kale la xiriirta hadal hore oo ka soo yeeray Madaxweynaha Maraykanka, kaas oo warbaahinta caalamka u sheegay in Falastiiniyiinta ku nool dhulka la isku haysto ay suuragal tahay in dib-u-dejin loogu sameeyo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, isagoo si gaar ah u xusay Somaliland. Hadalkaas ayaa xilligaas dhaliyay dood ballaaran.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday qorshe kasta oo Falastiiniyiin lagu keenayo dhulka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin arrin noocaas ah, islamarkaana ay ka hor imaanayso madaxbannaanida iyo danaha qaranka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan sheegay in aqoonsiga caalamiga ah ee maamulkaasi uu soo dhawyahay bilaha soo socda. Ilo-wareedyo Raxanreeb la hadlay ayaa ku doodaya in qorshahan lagu macneyn karo is-weydaarsi siyaasadeed,

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo walaac ballaaran oo la xiriirta saameynta amni, bulsho iyo mid siyaasadeed ee ay ku yeelan karto Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika. Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland oo si cad u xaqiijinaya ama u beeninaya xogtan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.