DENI ‘’ Ciidanka Puntland way sii joogi doonaan deeganada Khaatumo’’ .

DENI ‘’ Ciidanka Puntland way sii joogi doonaan deeganada Khaatumo’’ .

Garoowe(Raxanreeb)-Madaxwayanaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay  garab  taagan yihiin ciidanka maamulka deriska ay  yihiin ee Khaatumo.

Madaxwayne Saciid ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka bixi doonin  ciidankooda difaaca dagaalka ay ka joogaan SSC Khaatumo si  buu yiri mar kasta ay difaac ugu noqdaan kuwa Khaatumo.

” Ciidamada Puntland waxay sii wadi doonaan garab istaaga SSC-khaatumo waxaana ay ciidamadu qayb ka sii ahaan doonaan difaaca dhulka SSC iyo taageeridda dhinaca agabka iyo saanadda” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa kale oo uu ballan-qaaday in Puntland ay joogtayn doonto bixinta mushaarka iyo xuquuqda kale ee Ciidamada ku sugan difaaca hore ee dhulka SSC-khaatumo.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Madaxwayne Saciid Deni in markasta heegan ay ugu   jiraan ciidankooda sidii ay ugu qayb qayb qaadan lahayeen xasiloonida deegaanada SSC Khaatumo.

Si kastaba Puntland ayaa qayb ka ahayd dagaal ciidanka SSC Khaatumo ay la galeen ciidanja Somaliland oo duulaan ku soo qaaday magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.