DENI & Isimida SSC oo go’aan ka soo saaray doorashada Puntland

DENI & Isimida SSC oo go’aan ka soo saaray doorashada Puntland

Garoowe (Raxanreeb ) Shir looga hadlayay doorashada  Golayaasha deegaanka oo ay ku lug leeyihiin isimada SSC ayaa ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Waxa ay la qaateen Odayaashan kulanka Madaxwaynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni oo ay isla soo qaadeen arrimo dhawr ah .

Ka dib  gaba- gabada kulanka Odayaasha SSC ayaa sheegay inay go’aamiyeen in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto.

Isimada SSC oo ku biiray wax ka qabashada khilaafka doorashada ayaa sheegay in ay muhiim ay tahay in la iskugu yimaado wada-tashi guud iyo halka la aadayo 8-da Janaayo ee 2024-ka.

Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa sheegay in go’aankan ay ku dhawaaqeen ay isla qaateen Madaxweyne Saciid  Cabdullaahi Deni.

“Howshaas ciddii ka hortimaada waa cid anaga nala dagaashay. Hadal cad iyo go’aan adag ayaa iskula imaaneyn, ninkii ka horyimaada meel ayaa uga soo wada jeesaneyna,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Waxaa sii kordhaya khilaafka doorashada ee  deegaanada maamulka Puntland , waxaan wali jirin wax xal ah oo laga gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.