Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Laascaanood

Laascaanood (Raxanreeb) — Warrarka ka imaanaya magaalada Laasacanood ayaa sheegaya in maanta xaaladdu dagan tahay kaddib dagaal culus oo shalay halkaas ku dhexmaray milatariga Somaliland iyo ciidamada la baxay SSC Khaatumo.

Inkastoo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii shalay aan la tirakoobin, haddana labada dhinac waxay isku fara saareen illaa seddex aag oo ay ku jiraan koontaroolka bariga magaalada iyo dhinaca galbeed.

Labada dhinac ayaa kala sheegtay guullo mid kastaahi gaaray, mase muuqato aaggag cusub oo la kala qabsaday.

Dagaalka Laasacanood oo socday muddo ku siman seddex bilood ayaa la qiyaasayaa inay ku barakaceen dad ka badan labo boqol oo kun oo qof, kuwaas boqol kun oo kamid ah ay ka talaabeen xuduudda Soomaaliya ay la wadaagto dalka Itoobiya, sida laga soo xigtay hay’adda qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Inkastoo nabad lagu baaqay, dhawr jeerna ergooyin nabadeed loo kala diray dhinacyada is haya, haddana waxa muuqata in labada dhinac aanay diyaar u ahayn inay qaataan shuruudaha dhinac kasta ku xirayo dhinaca kale si loo bilaabo wadahadal fool ka fool ah oo xal loogu helo dagaalka gobolka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.