Waajid (Raxanreeb ) Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa itoobiya iyo Al- Shabaab ayaa dagaal uu ku dhaxmaray deegaano ka mid ah gobolka Bakool
Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah degmada Waajid ayaa sheegaya in halkaas muddo saacado ka badan uu ka socday dagaal khasaare gaystay.
Dagaaalka ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay ka dib markii kooxda Al- Shabaab weerrar ay ku qaadeen fariisimo ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka degmada Waajid.
Ka dib dagaalka ayaa la sheegay in ciidanka Itoobiya ee ATMIS ay isku faafiyeen deegaanada hoos yimada degmada Waajid ee gobolka Bakool , halkaa soo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena Ciidamada Itoobiya ay adeegsanayeen madaafiic cul culus
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxana halkaasi gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya,.
Leave a Reply