Muqdisho (Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho tan iyo shalay waxaa ka soconaya kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah ayna lee yihiin xubnaha mucaaradka, kaasi oo ay uga hadlayaan suurtagalnimada qabashada shirka watashiga ee ay icmaalisay dowladda federaalka iyo qodobada ay miiska la tagi doonaan.
Xalay sidoo kale magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacday kulan casho sharaf ah oo ay ka qeyb galeen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxda Jubbaland iyo Puntland, oo ka hadlay goobta ayaa dhaliil adag u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, oo ay ku shegeen in uusan diyaar u aheyn inuu qabto doorasho loo dhaqan yahay.
Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in uusan Muqdisho u yimid inuu badbaadiyo dowldnimada Soomaaliya.
“Aniga Muqdisho kama tagi doono ilaa aan badbaadiyo dowladnimada Soomaaliya Muqdisho waa meesha dalka lagu kala goynayo’, ayuu yiri madaxweyne Deni.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in sababta uu Muqdisho u yimid in ay tahay in Soomaaliya xalkeeda la hagaajiyo, isla markaana dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay badbaadiyo, madama uu sheegay in ay khatar ku jirto.
Sida warar madax baan ay shegayaan dib u dhac ayaa yimid furitaanka shirka watashiga, waxaana sababta lagu sheegay in aan laisku raacin waqtiga rasmiga ah shirka iyo meesha lagu qabanayo.

Leave a Reply