Deni ” Xasan Sheekh ayaa masuul ka ah dayaca dadka Laascanood “

Deni ” Xasan Sheekh ayaa masuul ka ah dayaca dadka Laascanood “

Garoowe (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeyay in ay gabtay kaalintii ay ku lahayd daminta colaada magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in sidii loo baahnaa dowladda aysan u wajahin xaaladda gobolada Sool , Sanaag & Cayn sida uu yiri Deni.

Deni ayaa intaas hadalkiisa ku daray in bedelkii Dowladda ay ka qayb qaadan lahayd gacansiinta dadka SSC ay magacodway ergay Somaliland taas oo meel ku dhac ku ah Dowladda Soomaaliya.

“Dowlada masuuliyadii ka saarneyd Laascaanood iyo Sool wey gabtay. uma dhaqmin sidii dowlad Soomaaliyeed gacanta u laaban waxaan u rajeynaynaa iney iska furto oo dadkaan badbaadadiisa qeyb ka ahaato” ayuu yiri Deni.

Waxa uu xusay Madaxwayne Saciid Deni in la dayacay dadka magaalada Laascanood taas oo u ku eedeyay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo wali magaalada Laascanood ee gobolka Sool ay ka dhacayaan dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee diidan xukunka Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.