Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha iibiya waxyaabaha maankadooriya iyo goobaha lagu iibiyo labaduba.
Inta howlgalka uu socday waxaa maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in ah xireen goobo badan oo lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya inkastoo dhaliilo badan ay ka timaaday.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaban doono wajiga labaad ee howlgalka maandooriyaha ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha degmada Wartanabadda Saynab Xaabsay ayaa ka dhawaajisay in howlgalka wajiga labaad ay ka bilaabi doonaan dekada iyo garoonka magaalada Muqdisho halkaas oo laga soo dejiyo waxyaabaha lala dagaalamayo ee maandooriyaha.
“Qofka isticmaalaya iyo meesha lagu isticmaalo ee lagu gado waa in laga suuliyo meesha saldhiga u ah xumaanta, wejiga labaad waa Dekedda iyo Garoonka” ayey tiri Guddoomiye Saynab Xaabsey.
Si kasta maamulka gobolka Banaadir ayaa wacad ku maray dabarjarista maandooriyaha lagu iibiyo caasimadda oo maamulku uu sheegayo in loola dagaalamayo sida Al- Shabaab.
Leave a Reply