DEYNIILE : Askar ka tirsan dowladda ayaa isku dishay.

DEYNIILE : Askar ka tirsan dowladda ayaa isku dishay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa sida wararku ay sheegayaan dhaxmaray ciidan ka wada tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Askari kamid ah ciidanka Ereteria lagu tababarey oo xoog looga qaatey qorigiisa ayaa sababay dagaalkan waxaana ka qaatay askar ka tirsan Dowladda.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya inuu jiro khasaaere dhimasho & dhaawac soo kala gaaray ciiidanka Dowladda ee ku dagaalamay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Deyniile ma jiro wax war ah oo uu ka soo saaray dagaalkan ka dhacay gudaha degmadaas kaas oo noqday mid soo noq noqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.